DEG DEG: Xildhibaanada labada Gole oo isku Raacay 6 Qodob

0
242

Xildhibaanada labada gole ee dowladda Soomaaliya oo hadda kulan looga hadlaayo arimaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kuleh Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen  qodobada kala ah.

In tirada Guddiga doorashada Madaxweynaha ay noqdaan 16 mudane , 10 ay ka imaanayaan golaha shacabka , halka 6-da kalena  ay ka imaanayaan Aqalka Sare.

In Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha.

In ciidamada Ammaanka ee xaqiijinaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan gudoonka Baarlamaanka.

Lacagaha laga qaado Musharaxiinta qeyb ka mid ah in lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.

In musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha la weydiiyo su’aallo dood wadaag ah .

In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuq maasuqa.

Waxaa hadda loo fadhiya in la shaaciyo magacyada Guddiga doorashada Madaxweynah