Waxaa la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoonka golaha Shacabka Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Qaban qaabada ee Doorashada.
Waxaa isdiiwaan galiyay Musharaxiin gaaraya ilaa iyo 22-Musharax kuwaas oo u taagan xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhici doonta 11-ka iyo 12-ka Bishaan aan ku guda jirno ee Janaayo, sida ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku dhawaaqaya Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka.