{DHAGEEYSO} Ilaha Dhaqaalaha Dalka oo lagu kordhin doono canshuurta

0
218

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay ilaha dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya ka soo gala hada kadib in lagu kordhin doono Lacago kale si wax loogu qabto dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Ilaha Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya ay ka hesho ayaa waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha, Dekada Muqdisho iyo waliba canshuuraadka laga qaado goobaha ganacsi ee ku yaalla caasimada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay la tacaaleyso wax ka qabashada Abaaraha.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha ilaha dhaqaalaha Dalka in ay yihiin kuwo kooban, balse Dowladda Federaalka ay dadaal ku bixineyso sidii Abaarahan wax looga qaban lahaa.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmay safiirada wadmada Jaamacadda Carabta u fadhiya Dalka Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimaha Abaaraha.