{DHAGEEYSO} Madaxweyne Xasan Shiikh:. Wanku Qanacsanahay Waxii Kasoo Baxo Doorashada Soomaaliya

0
252

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Guddiga doorashada uu u sheegay in uu ku qanci doono natiijada ka soo baxda doorashada madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu u hogaansami doono nidaamka doorashada isla markaana uu raaci doono amarada ay siiyaan Guddiga qaabilsan doorashada Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta kale dhamaantood loogu baahan yahay in ay u hogaansamaan shuruucda iyo hab raaca doorashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu maray hab raaca diiwaan gelinta Musharaxiinta ka qeyb galaya tartanka doorashada Madaxweynaha.