Kulan looga hadlay aminga degmada Maxaas iyo sdii looga hortagi laha kooxo isbaaro dhigta inta u dhexeya Magaalooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmada iyo Saraakiisha ciidamada dowlada.
Taliyaha Ciidamad Booliska degmada Maxaas Bishaar Faarax Cismaan darandoori oo Lahadlay Radio Hiranweyn ayaa sheegay in kulankan looga hadlay si wada jir la iska kashan laha sugida aminga degmada iyo la dagaalanka kooxa isbaarada u u dhigtay dadka u kala safra qeybo ka mid ah Gobollada dalka.
Ciidamada dowlada ee ka howlgala Gobolka hiiraan ayaa wada howlgalo lagula dagalamayo kooxo isbaaro dhigta deegano ka tirsan Bariga gobolka iyago gacanta kusoo dhigay qar ka mid ah kooxihi isbaarada dhiganayay.