{DHAGEYSO} Maamulka gobolka Banaadir oo baaq u diray baarlamaanka Soomaaliya

0
335

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay xuquuqda Gobolka Banaadir in ay weli taagan tahay, oo aysan ka hari doonin marnaba, kadib kulan casho sharaf ah oo uu xallay u sameeyay xildhibaanada Labada Gole ee lagu doortay Muqdisho, kana soo jeeda Degaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay xildhibaanada Labada Gole ee Soomaaliland in lagu doortay Muqdisho, taasina ay ku qasbeyso in ay raadiyaan xuquuqda Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kulankaa casho sharafta qeyb ka ahaa ayaa waxa uu sheegay hadii ay yihiin xiildhibaanada ka soo jeeda Soomaaliland in aysan ka rajo dhigi doonin raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir.

Kulan casho sharaf ahaa oo xalay ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay Soomaaliland.