{DHAGEYSO} Madaxweyne Gaas oo Baaq u diray Shacabka Puntland

0
235

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shacabka kunool degaanada Maamulka Puntland looga baahan yahay in ay isku gargaaraan madaam Abaaro ba’an ay ka jiraan degaanada Maamulka Puntland.

 

Waxaa uu sheegay in dadka kunool Magaalooyinka Waa weyn ee Puntland laga rabo in ay soo dhaweeyaan dadka ay saameeyeen abaaraha  ee kasoo barakacay dhulka Miyiga ah.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka reer Puntland kuwooda wax haysta laga doonayo in ay ka qeyb qaataan gurmad loo sameynaayo dadka ay waxyeeleeyeen  abaaraha.