{DHAGEYSO} Madaxweyne Shariif Xasan Oo Dhaliil loo jeediyay

0
248

Wasiir Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdifitaax Ibraahim Geeseey ayaa sheegay in abaaraha ka jira maamulka Koonfur Galbeed ay kordheen waxaana uu u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay abaarahaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in la dayacay dadka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed waxaana uu mas’uuliyad daro uu  ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa uu xusay in Madaxweyne Shariif uu ku guul dareystay in uu ka qeyb qaato gurmad loo fidinaayo dadka ku dhibaateysan degaanada maamulka koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay waxaa loogu eedeeyay in uu dayacay shaqada maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana uu ka doortay in uu noqdo Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.