Dhismo ku yaal Isgoyska Dabka oo gubanaya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
249

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Dabka ayaa sheegaya Dabaq weyn oo ah goob ganacsi inuu halkaasi ku gubanaayo.

Lama oga rasmi ahaan dabkaan wuxuu ka dhashay, balse dadka waxa ay sheegayaan markii uu qaraxa dhacay waxyaabo qarxo inay ku soo dhaceen dabaqa dushiisa, taasi oo dabka uu ka dhashay.

Warar kale ayaa sheegaya dabka inuu ka dhashay Koronto soo go’day markii uu qaraxa dhacay, waxaana xaga sare ee dabaqa ka baxaya Uuro iyo qiiq fara badan.