Doorasha Xildhibaanada Soomaaliland Oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

0
204

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada xubnaha xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland.

Doorashada maanta dhaceysa ayaa waxaa lagu dooran doonaa Hal kursi oo keliya, maadaama uu yahay midkii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka Degaanada Soomaaliland, sida ay sheegeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamaya Labo Dumar ah, kuwaas oo aysan Guddigu magacyadooda ku shaacin barta Twitter-ka ee ay warkan ku soo qoreen.

Sidoo kale markii la soo gaba gabeeyo Doorashada Golaha shacbka ee Soomaaliland ayaa waxaa la shaacin doonaa waqtiga ay dhaceysa dib u Doorashada 5 kursi oo Guddiga Xaldinta Khilaafaadka ay sheegeen in ay ku soo baxeen qaab musuq ah.