Doorashada golaha Shacabka oo ka socota Muqdisho

0
214

Doorashada golaha Shacabka ee xubnaha ka imaanaya beelaha Banaadiriga ayaa ka socota Muqdisho , waxaana lagu wadaa in maanta la doorto labo kursi.

Labada kursi ee Maanta lagu dooran doono Muqdisho ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta isugu jira rag iyo dumar.

Kursiga kuwaad oo waxaa loo asteeyay in ay ku tartamaan haween waxaana ku tartami doonaa

Biibi khaliif Maxamed iyo Qamar Islow Nuur.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah

Caamir Axmed Maxamed ,Lutfi Shariif Maxamed iyo Shariif Maxamed Cali.

Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiga ayaa maanta lasoo gabagabeyn doonaa