Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo bilaabatay iyo Musharaxiin tartamayesa

0
194

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka bilaabatay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida horeyba loogu balansanaa.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Aqalka Sare oo saakay ku xaadiray xarunta Doorashada ay ka dhaceyso ayaa codadkooda dhiibanaya, waxaana ay u kala codeynayaan Labada Musharax ee Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Mudane Dhega-juun ayaa ahaa xildhibaankii ugu horeeyay ee codeeya.

Hada waxaa soocota Doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:-

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland.

Natiijada goor dhow kala soco Radio Hiiraanweyn.net