Dowlada Burundi oo Bedeshay Go’aankii Ay maalmo ka Qaadatay ciidamada ka jooga Soomaaliya

0
210

Guddoomiyaha golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka Midowga Afrika, Samial Chergui gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.

Samial Chergui ayaa isku dayaya inuu madaxda dalkaas ku qanciyo sidii ay hakin lahaayeen go’aanka ay ciidankooda ugala baxayaan Somalia.

Waxaa uu booqday, Qabuuraha Mpanda cemetery oo 12-km galbeed kaga beegan caasimadda Bujumbura, halkaasoo lagu aaso askarta howgallka Soomaaliya ku geeriyoota.

Wararka ayaa sheegaya in Samial Chergui uu heshiis la gaaray madaxda dalkaas kaasoo ku saabsan in dib loo dhigo ciidamada dalkaas ee laga saari lahaa Somalia, iyadoo taas bedelkeedna ciidamadu ay heli doonaan maalmo gudahood mushaharka ka maqan mudada sanadka ah.

Dowladda Burundi ayaa ku dhawaaqday maalmo ka hor hanaan ay ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira muran dhinaca mushaharka la xiriira oo kala dhaxeeya Midowga Yurub.

Mushaharka ciidamada AMISOM ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.

Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu sharxo madaxwene, oo bishii July dib loo doortay.

Waxaa Midowga Yurub uu doonayaa inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay ciidanka ka soo saaraan Soomaaliya, inkastoo hadda lagu qanciyey iney go’aankaas bedelaan.