Faah Faahin Dheraad Ah Oo Ka sobaxeyso Qarax Sababay dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay magaalada Beladweyne

0
239

Qarax xooggan ayaa goor dhow oo caawa ah abaarihii 9:40 daqiiqo fiidnimo waxaa uu ka dhacay maqaahi shaaha laga cabo oo ku taala magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan.

Warar Kala duwan  ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Mid lagu aasay halka wararka kalene ay shegayaan in Bam gacmeed Lagu weraray Maqaaxida oo kutaal  xaafada Nuur xawaad, waxaana fariisan jiray askar iyo dad shacab ah intaba.

Ugu yaraan hal ruux ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay qaraxan halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo intooda badan ku sugnaa maqaahidan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in sidoo kale qaraxan uu geystay burbur xoogan oo soo gaaray maqaahidan iyo qalabkii yiilay sida kuraastii iyo miisaskii oo burburay.

Ciidamada amaanka maamulka magaalada Baladweyne ayaa gaaray goobta uu weerarkani ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano, mana ahan markii ugu horeysay ee qarax noocan ah uu ka dhaco magaaladaas.

Dhinaca kale majirto ilaa iyo hada cid ka hadashay werarka caawa baladweyne ka dhacay .

INSHA ALLAH LA SOCO WARARKENA DANBE