Faahfaahin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Jowhar

0
240

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhintay Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmartay degmada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu jirdil u geystay nin ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ka dibna arintaasi uu ka xumaaday Askari kale.

Dhacdadaan oo ka dhacday Suuqa degmada Jowhar ayaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan khasaare soo gaaray dadka shacab ah ee Suuqa ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa kala dhexgalay Askartii ay dirirto u dhaxeysay.

Xaalada Magaalada Jowhar ayaa hadda degan, waxaana caadi kusoo laabtay Ganacsiga Suuqa Magaalada Jowhar.