Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug Oo Ka Shiray Abaaraha

0
239

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta uu shir Gudoominayay Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha Abaaraha ee ka jira degaanka sidii dadka ay saamaysay loogu gurman lahaa iyo dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee Galmudug gaar ahaan Cashuuraadka.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa shirka ku soo bandhigtay waxqabadkeeda iyo caqabadaha meelaha qaar ka jira, si wax looga qabto.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Galmudug Maxamed Axmed Faaarx ayaa sheegay in ay dhawaan samayn doonaan qorshe lagu ballaarinaayo hawlaha cashuur qaadista degaanada D/goboleedka Galmudug.

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa isna ka hadlay Abaaraha ka jira Galmudug, waxaana uu xusay in ka maamul ahaan ay dhaqaalo ku bixiyeen hawlaha gurmadka Abaaraha ee socda.