Labo Qof oo loo qabtay Dil Fool xun oo Xalay Muqdisho loogu geystay Nin Rayid ah

0
251

Xalay Garaash ku yaalla Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir waxaa laga helay Meydka Nin Garaashkaasi waardiye ka ahaa oo lagu Magacaabi jiray Shariif Cabdulle Guuleed,kaas oo si Fool Xun Midi loogu dilay.

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in Kiiskaas loo hayo Labo Nin oo looga Shakisan yahay Dilka Marxuun Shariif.

Dhanka kale Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Baaritaano ku haya Dilka Naxariis darada ah ee loo geystay Marxuun Shariif Cabdulle Guuleed.