maamulka Jubbaland oo ka hadlay Dagaal ay la Galeen Shabaab

0
253

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Dagaalka Ciidankooda iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah ay la galeen ururka Al-shabaab.

Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid-carab) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 20 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.

Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid-carab) Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in uu yar yahay khasaaraha dhankooda Dagaalka ka soo gaaray.

Ilaa iyo hada ma jiraan ila wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.