Maamulka Puntland Oo sheegay in ay Gacanta Ku Dhigeen Sargaal ka tirsan Shabaab

0
214

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Kornayl: Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa sheegay in Puntland gacanta ku dhigay Sargaal sare oo katirsan Al-shabaab, kaas oo ku lug lahaa dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada Bosaso.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta la iska arko, wuxuuna sheegay in Sargaalkaan ay baaritaan ku hayaan hay’addaha baarista dambiyada ee Puntland.

Wuxuu gudoomiyuhu ka gaabsaday inuu xog dheeraad ah ka bixiyo Sargaalka iyo Dad kale oo ka tirsan Shabaab oo lala qabtay  isagoo hadalkiisa kusoo koobay inuusan ka hor-dhacayn baaritaankooda.