Madaxwayne kuxigeenka Maraykanka oo dhaliilay Trump

0
206

Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u soo jeediyay madaxwaynaha la doortay Donald Trump in uu isbadal la yimaado wuxuuna dhaliilay weerarka uu ku hayo laamaha sirdoonka Maraykanka.

Jimcaha ayaa Trump lala wadaagidoonaa eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogalin ku sameeyay doorashada Maraykanka arrintaas oo uu shaki kaga muujiyay qoraallo badan oo uu Twitterka ku soo qoray.

Todobaadka soo socdana waxaa warbixintaas loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha Maraykanka.

Asad oo saaxiibtinimo ka filaya Trump

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

Biden ayaa sheegay in ay “caqli la’aan tahay” in madaxwaynaha la doortay uusan aaminin laamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.

Ruushka ayaa diiday in uu jabsaday email-lada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka doorashadii Nofembar ka hor.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadaladan u sheegay warbaahinta PBS oo uu waraysi siiyayay.