Madaxweyne Xasan Shiikh oo war ka soo saaray khalalaasaha siyaasadeed ee Galmudug

0
204

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro wax uu ugu yeeray Kooxaha Nabad diidka ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xili Madaxweynaha maamulka Galmudug C/Kariin Guuleed uu shaaciyey inuu xaalad deg deg ah ku soo rogay degaanada maamulkaas kaasoo socon doona sadex bilood.

Talabaada Guuleed ayaa waxay jawaab u aheyd kulan maanta xildhibaano ka tirsan maamulkaas ku yeesheen Cadaado, kaasoo ay ugu codeeyeen mowshin xil ka qaadis ah oo laga keenay Madaxweyne Guuleed, lamana oga halka uu ku dambeyn doono khalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan Galmudug.