Magacyada musharaxiinta isku soo taagay guddoonka aqalka sare oo la shaaciyey (Akhriso)

0
214

Guddiga doorashada gudoonka aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa soo gebagebeeyey diiwaan gelinta musharaxiinta isku soo taagay doorashada gudoonka aqalka sare.

Doorashada guddoonka aqalka sare oo la qaban doono 21-ka bishan oo ku beegan Sabtiga fooda nagu soo haya ayaa waxaa isku soo taagay 16 musharax oo u kala qeybsan guddoomiyaha golaha iyo labadiisa gudoomiye ku-xigeen.

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada gudoonka aqalka sare oo nuqul ka mid ah ay heshay shabakada Allbanaadir ayaa lagu xusay magacyada musharaxiinta iyo sida ay xilalka ugu tartami doonaan sidan ayuuna u qornaa.