Maxaa Kusoo Kordhay Wada Hadaladii Khaatuma iyo Somaliland ?

0
214

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali kahliif Galeyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka soo horjeestay hadal dhowaan ka soo baxay siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Somaliland, kaas oo ku aadan in la joojinayo wada hadaalada Maamulka Somaliland iyo khaatuma.

Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in aysan joojin doonin, oo ay sii wadi doonaan wada hadalada lagu heshiisiinayo Maamulada Khaatuma iyo Somaliland.

Maamulka Khatuma ayaa wada hadal nabadeed kula jira Maamulka Somaliland, iyadoona horey Labada dhinac ay ugu heshiiyeen Qodobada qaar, waxaana gar wadeen ka ah Dowladda Itoobiya.