Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukuno ku riday Rag ka tirsan Shabaab

0
194

Maxakamadda Ciidanka Qalab sida qeybta 21 aad ee dowladda Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan waxaa ay ku riday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa  Cabdi Ciise Shabeel,Cali Saalax Cabdulaahi iyo Sakariye  Maxamuud Axmed oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxaa ay ku xukuntay sanado xabsi ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Caballa Xasan ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday dadka lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Waxaana uu sheegay in dhammaatood ay qirtay in ay Shabaab yihiin.

Sidoo kale ragga lagu riday Xukunka ayaa waxaa ku jira nin horay Al-Shabaab uga soo goostay oo ka tirsanaa ciidanka Nabad suggida ka dibna dib ugu laabtay Al-Shabaab.