Meydadka Dalxiisayaal oo laga helay xeebta Gendershe

0
513
A video grab from an undated television footage shows pirates walking on the beach in the town of Eyl in the north of Somalia. The United Nations should send peacekeepers to Somalia urgently to stop the strife that is fuelling piracy and is being aggravated by feuding politicians, the African Union's top diplomat said on November 20, 2008. Gunmen from the chaotic Horn of Africa country grabbed world headlines with spectacular November 15 capture of a huge Saudi Arabian supertanker loaded with $100 million worth of oil, the biggest ship hijacking in history. REUTERS/Reuters TV (SOMALIA)

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Meydadka Labo Qof oo Dalxiisayaal ah, ahna Reer Galbeed ayaa laga helay xeebta degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga beegan magaalada Marka.

Meydadkan oo jirkooda laga dareemayay dhaawacyo soo gaaray intii ay badda dhax sabeynayeen ayaa ku soo caariyay degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga began magaalada Marka, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegeen in Meydadka Nin iyo Naag caddaan ah laga helay xeebta, Meydadka caddaanka ah ee la helay ayay baddu soo tuftay waxayna umuuqdeen in ay ahaayeen Dalxiisayaal reer galbeed ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka Haweenayda caddaanka ah ee la helay qoorta iyo gacmaha uu uga xirnaa dahab farabadan sida Katiinado, dhowr faraanti iyo koorayaal dhammaantood dahab ah.

ugu dambeyntii Dadka Degaanka ayaa Meydadkan waxa ay ku aaseen meel aan sidaa uga fogeyn xeebta Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.