Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Azaz Ee Dalka Suuriya

0
218

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 19 qof  ay dhinteen ka dib markii baabuur ku qarxay magaalada fallaagadu gacanta ku hayso ee Azaz ee dalka Suuriya una dhaw xadka dalkaasi la leeyahay Turkiga.

Qaraxu wuxu ka dhacay dhisme maxkamadeed oo ku yaal magaalada horteeda, waxaana ay magaaladaasi 7 km u jirta xadka Turkiga.

Azaz waxa dhawaan weeraray kooxda la baxday Dawladda Islaamka.Waxa qaraxani dhacay iyadoo ay dalka ka hirgashay xabbad joojin ballaaran oo ay ka odayeeyeen Ruushka iyo Turkigu, waana la dhaqan geliyey in kasta oo ay jireen xad gudubyo faro ku tiris ahi.