Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa warbixin ku saabsan wax-qabadka Guddiga Abaaraha ee heer Qaran ka dhageystay xubnaha guddiga.
Mudane Carteh oo ah gudoomiyaha guddiga ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga sida ay uga shaqeynayaan u gar-gaarida dadka dhibaatyesan.
Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa cod dheer baaq ugu diray dhammaan dadka Soomaaliyeed si ay gacan uga geystaan gar-gaargan.
“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaadhin gaajo u dhiman doona; Waxa aan isugu yeeri doonaa Golaha Wasiirada si ay go’aamada loo baahan yahay u gaadhaan doorkoodana ka qaataan hawlaha gargaarka ah”.
Ugu damabeyn Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa guddiga kula dar-daarmay in ay sii laba laabaan dedalkooda si loo badbaadiyo dadka abaartu saameysay.