Sargaal sare Oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Gobolka Shabellaha Hoose

0
209

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM,  iyo Ciidamadda dowladda Soomaliaya ayaa Xiray Sargaal sare oo ka Tirsan Al-shabaaab, in tii lgu Guda Jiray Howlagal ay ka Fuliyeen Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose , sida Howlgalka AMISOM uu shaaciyay.

AMISOm ayaa sheegay in Ciidamadda gaarka ah ee Soomaliaya oo Kaashanaya kuwa AMISOM, ay fulliyeen Howlgal lagu ugarsanayo Xubni ka Tirsan Al-shabaab islamarkaana ay Soo xireen Taliye Sare oo ka Tirsan Al-shabaab kaasi oo su’aalo laga weeydiinayo Weerarro dhowr ah oo Gobolka ka dhacay.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa intaas ku daray in ciidamadoodu ay Dabagal ku hayaan Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab, ku waas oo ka dambeeyay Weerarro Dhoowr ah oo Dalka ka Dhacay.