Shiinaha oo u digay Mareykanka Kadib Markii Uu Mareekanka …..

0
238

Beijing ayaa uga digtay maamulka cusub ee Maraykanka  isku day kasta oo lagu waxyeelaynayo midnimada dalka China.

Dowladda China ayaa sheegtay in ay ka fiirsan doonto xiriirka ay la leedahay dowladda Mareykanka hadii maamulka Donald Trump uu sii wado faragelinta Siyaasada dalweynaha China gaar ahaan Taiwan.

Afhayeen u hadlay dowladda China ayaa sheegay in dowladdu ay ku jirto go’aankii ugu dambeeyay ee lagu kala dooran Doono sii wadadi Siyaasada Mareykanka .

Dowladda Shiinaha ayaa aad uga carootay xiriirkii Madaxweynaha dowladda Mareykanka Trump uu la sameeyay hoggaanka dalka Taiwan.

Xukuumadda Beijing ayaa aaminsan in Taiwan ay ka mid tahay dalweynaha Shiinaha.