Soomaali xalay lagu dilay Koonfur Afrika

0
213

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay Dalka South Afrika gaar ahaan Magaalada Johannesberg xaafada Soomaalida Magaaladaasi ay ka degto ee lagu magacaabo My-fi.

Wiilka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in ay dileen Labo Wiil oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxaana ay ku dileen goobta Ganacsiga ee loo yaqaano Amal oo ku taalla xaafada My-fi ee Magaalada Johannesberg.

Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib murano horey u soo kala dhex galay Dhallinyarada dilka geysatay iyo sidoo kale wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Garaar.

Booliska Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay warbaahinta gudaha u sheegeen in ay ku raadjoogaan Dhalinyaradan dilka geysatay, si cadaalada loo horkeeno.

Soomaalida ku nool xaafada My-fi ee Magaalada Johannesberg ayaa aad uga naxay falkan dilka ah, waxaana ay ku tilmaameen mid arxan daro ah.