Deg Deg: Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Oo Goordhaw Ladilay

0
191

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa ku geeryoodey, Bambo Gacmeed lagu tuuray xarunta Taliska Ciidanka Magaalada Jowhar.

Geerida Khaliif Cabdulle Carfaaye Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa xaqiijiyay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee Gobolkaasi.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray goobta ayaa waxa ay wadaan baaritaano ku aadan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay falkan.