Tareen ka tagay dalka Shiinaha oo markii ugu horeesay gaaray magaalada London

0
205

Dowlada Shiinaha ayaa ku guuleesatay in markii ugu horeeyay Tareen nuuca xamuulka qaada ah oo ka tagay dalkeeda uu si toos ah u gaaro dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ee Caasimada dalkaasi.

Tareenkan ayaa ka baxay magaalada Yewuu ee dalka Shiinaha waxa uuna gaaray magaalada London, Tareenkan ayaa la sheegay in uu jidka kusii jiray 18-maalmood, waxa uuna dalka Ingiriiska geeyay alaabo kala duwan sida dhar iyo alaabta guryaha.

Warbaahinta dalka Ingiriiska iyo kuwa Shiinaha ayaa qoray in tareenkan uu noqday kii ugu horeeyay ee u kala socdaala labada wadan, waxa uuna socday masaafo dhan 11999, waxa uuna sii maray Wadamo badan oo Yurub kuyaala sida Ruushka, Faransiiska Holand iyo Wadamo kale.

Tareenkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay nuuca dheereeya ah oo u kala goosha Shiinaha iyo Ingiriiska, waxaana arintan la sheegay in ay qeyb ka noqoneyso xoojinta xariirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada wadan.