Donald Trump ayaa meesha ka saaray sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan in ay samaynayso gantaal ay ridadiisu dheertahay oo Ameerika gaarikara.
Madaxwaynaha la doortay oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday hadalka madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo sheegay in marxaladdii u dambaysay uu marayo gantaalkaasi, Trump ayaa sheegay in taasi aysan dhici doonin.
Ma cadda in Trump uu hadalkaas ka wado shaki kaga jira awoodda ay Kuuriyada Waqooyi u leedahay in ay nukliyeer samaysato ama in uu qorshaynayo tallaabooyin uu arrintaas kaga hortagayo.
Waa kuma Donald Trump?
Bannaanbaxyo lagu diiddan yahay Trump
Miyay tahay in laga cabsado guusha Trump?

Trump ayaa Shiinaha ku dhaliilay in uu ku guuldaraystay in uu jidka saxda ah ku hago Kuuriyada Waqooyi maadaama oo ay xulafo yihiin.
Wuxuu sheegay Shiinuhu uu qaadanayo lacag iyo hanti badan oo uu Maraykanku leeyahay isaga oo faa’iidaysanaya ganacsi hal dhinac ah, laakiin uusan si wanaagsan u caawinaynin Kuuriyada Waqooyi, sidaasna wuxuu ku soo qoray isla bartiisa Twitterka.