War Deg Deg ah:- Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

0
197

Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya dhismo ku yaal Suuqaasi inuu dab ka kacay.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Nawaaxiga Suuqa Cabdalla Shideeye, gaar ahaan Bakhaarada lagu iibiyo Bun qaxwaha oo mid ka mid ah dabkaasi uu ka kacay.

Qof ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa Radio Hiiraanweyn u sheegay dabka inuu ka dhashay Burjiko taalay goob Shaah lagu Iibiyo Bakhaarka Dabka uu ka kacay hortiisa.

Dadka qaarna waxa ay sheegayaan dabka inuu ka dhashay Koronto, iyadoo uu ku sii fiday dhismooyin ku dhaw Guriga Dabka uu ka kacay ee Suuqa Bakaaraha ku yaallo.