War Deg Deg ah:- Gaari ay leeyihiin UN-ka oo ku Qarxay Garaash ku yaalla Xarunta UNDP

0
218

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in Gaari ay leeyihiin QM oo ah nuuca loo yaqaano Toyota Hilux oo lagu soo xiray Walxaha Qarxa uu ku  Qarxay Garaash ay leeyihiin Un-ka oo ku yaalla Xarunta Hay’adda UNDP ee ku taalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo KM-4.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Gaariga loo Maleenayo in Qaraxa uu kala yimid Banaanka oo asagoo ka Maqan Garaashka lagu soo Xiray.

Labo Qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa lagu soo Xiray Gaariga,waxaana uu Burbur Xooggan soo gaaray Gaariga Qaraxa lagu soo Xiray.

UN-ka weli wax war ah kama soo saarin Gaariga ku Qarxay Garaashka ay ku leeyihiin Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho.