War Deg Deg Ah: Tirinta Codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1-aad oo dhamaatay (Yaa ku horeeya)

0
213

Waxaa hada soo dhamaatay Tirinta Codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana goordhaw la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo natiijada doorashada.

Shabakada Hiranweyn ayaa natiijooyinka horu dhaca ah ay heshay ayaa muujinaya in Doorashada uu ku horeeyo Musharax Cbadiweli Muudey kaa oo helay codad gaaraya 111-cod , waxaana kusoo xiga Musharax Xildhibaan Faarax C/Qaadir oo helay 94-cod.

Musharixiinta ayaa Codadka u kala helay sida tan :

1-Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey oo helay Codad gaaraya 111-cod

2-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir 94-Cod

3-Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye 26-Cod

4-Xihibaan Saciid Xuseen Ciid 17-Cod

5-Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir 7-cod

6- -Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar 4-Cod