Waxaa hada soo dhamaatay tirinta codadka ay kala heleen Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashada Kursigan oo ah tan ugu adag ayaa waxaa ku tartamayay ilaa 7-Musharax, waxaana wareega koobaad ku haray sadex Musharax kuwaa oo helay cadadka ugu yar, waxaana wareega labaad u gudbaya Afarta Musharax ee ugu codadka badan.
Waxaa hogaaminaya Codadka ila ahada la tiriyay Musharax ABshir Bukhaari oo helay 17-cod waxaana kusoo xiga Musharaxa kale Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo isna helay codad gaaraya 14-cod.
Musharaxiinta ayaana Codadka u kala helay sida tan
1-Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) 17=cod
2-Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) 14-cod
7-Maxamud Axmed Mashruuc 11-cod
3-Cabdirisaq Cusmaan Xasan Jurille 6-cod
4-Xasan Faarax Xujaale 1 cod
5-Axmed Xaashi Maxamud 1 cod
6-Cabdiwaxid Ilmi cumar Qoonjeex 2 cod