War Deg Deg ah:- Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

0
223

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ee Shalay la sameeyay ayaa ku dhawaaqay Waqtiga Rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaceysa 8-da February sida ay Maanta sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday,waxaana inta badan Dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo sugaya Waqtiga ay dhaceyso Doorashada in ay maqlaan.

16295511_824529654355096_1531305623_n[1]