War Deg Deg Ah: Wareegii hore ee Doorashada oo soo dhamaatay iyo tirinta Codadka oo biloowday

0
206

Waxaa goordhaw soo gabo gaboobay codeynta Wareegii hore ee doorasahada Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ayna doorashada xiligan si toos ah uga socotaa Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Doorashada waxaa ku tartamaya afar Musharax oo sadex kamid ah ay kasoo jeedaan Beelaha Digil iyo Mirifle halka Musharaxa kale uu isna kasoo jeedo Beesha Daarood, doorashadan ayaana ah mid aad u adag.

Waxaa hada bilowday tirinta codadka Xildhibaanada codkooda dhiibtay, waxaana wareega hore la filayaa in ay ku haraan labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada ayaa sheegay in Wareega koowaad ee doorashada uu kusoo bixi doono Musharaxii hela codad gaaraya 139-cod, hadiisa la waayo cadadkaasi ayaa waxaa loo sii gudbi doonaan Wareeg kale.