Wareega 2-aad ee Doorashada Guddoomiye ku xigeenada oo loo gudbay Iyo Cida Utartameeyso

0
213

Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa mareysa meel xiiso badan.

Wareega Labaad ee Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo gudbay, waxaana tanaasushay Musharaxiin dhowr ah.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa isugu soo haray wareegiisa Labaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Faarax Sheekh C/qaadir, kadib markii ay tanaasuleen Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Saciid Xuseen Ciid.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa isugu soo haray wareegiisa Labaad C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi iyo Mahad Cabdalla Cawad, waxaana tanaasulay C/wali Ibraahim Aadan (Ibbi) iyo Burhaan Aadan Cumar.

Codeynta xildhibaanada Baarlamaanka ayaa bilaabatay, waxaana ay ku kala ridayaan Labo sanduuq oo xarunta Doorashada taalla