Xildhibaan Jawaari oo shaaciyay in uu markale u taaganyahay qabashada xilka guddoonka

0
247

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horrey u soo qabtey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaalia ayaa maanta oo Arabaca ah sheegay in uu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka aqalka hoose, isagoo tilmaamay in waxyaabaha ku kalifay inuu isku soo taago ay ugu horreyso isagoo raba inuu ka qaybqaato dajinta Dastuur dhameystiran oo Soomaaliya ay yeelato.

Xildhibaan Jawaari oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka guddoonka baarlamaanka, isla markaana uu guddiga u gudbiyay warqadihii araajada ee caddeyneysay in uu yahay musharax doonaya markale in uu xilka ku soo laabto.