Xildhibaan lagu xiray Magaalada Kismaayo Iyo Xiisad Ka dhalatay Xariga Xildhibaanka

0
235

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Nabad Suggida Jubbaland ay xabsiga dhigeen Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanka la xiray ayaa lagu magacaabaa  Shuceyb Ibraahin Faarax, waxaana laga soo doortaa gobolka Gedo.

Waxaa lala xiray qof dumar ah.

Ilaa iyo hadda Nabad suggida Jubbaland Faahfaahin kama bixin sababta loo xiray Xildhibaanka.