Xukuumada Somalia oo war ka soo saartay weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho

0
221

Dawladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay laba qarax oo Is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqidsho.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa sheegay in koox uu ugu yeeray dambiilayaal aysan ka leexinayn ujeeddada iyo qorshaha dalwadnimo.

Waxaa uu sheegay in qaraxyadan ay yihiin kuwa ujeedadoodu aheyd in lagu niyad jebiyo shacabka Soomaaliyeed oo buu yiri ku jira xili doorashooyin iyo isbedelo siyaasadeed ay ka socdaan dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka soo gudbeen xili argagaxisadu ay sidan kaawood badan tahay, weeraradana waxay astaan u yihiin in dembiilayaashan ay ku jiraan xaalad quus ah” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibeda Somalia.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey ayaa kan hore waxaa lagu bartilmaameedsaday bar kontorool oo u dhaw saldhigga AMISOM ee Xalane.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay bannaanka hotelka Peace oo sanadkii 2016 martigaliyay shirkii madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay qaraxyada, waxaana ku jira labadii qof ee qaraxyada fuliyey, laba qof oo shacab ah iyo askari ka tirsanaa ciidanka dowladda, waxaana ku dhaawacmay 27 kale Al-shabaab ayaana sheegtay masuuliyadooda.