Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo Howlgallo ka bilaabay Koonfurta Gobolka Mudug

0
199

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Howlgal wada jir ah ka bilaabay degaanka Ceel-cabdi oo u dhexeeya Camaara iyo Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hawlgalkan ayaa nuxurkiisu yahay in gacanta Dowladda Federaalka lagu soo celiyo degaanada Mudug iyo Galgaduud oo Al-shabaab ay hadda ku sugan yihiin.

Hawada Degaanka Camaara iyo Degaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ku dul heehaabaya Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda.

Al-shabaab ayaa dhankooda dhaq dhaqaaq Ciidan waxa ay ka wadaan Degmada Xaradheere, halkaasi oo ay doonayaan in ay ka difaacdaan Ciidamada ku soo wajahan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta  ayaa waxa ay sheegeen in aysan bixin karin macluumaadka la xiriira dhaq dhaqaaqa Ciidanka ay wadaan, balse qorshaha uu yahay Ciidanka in ay la wareegaan gacan ku heynta Xaradheere.