Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu Amray in ay ka baxaan Magaalada Muqdisho

0
405

Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Aadan Axmed oo maanta ka hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Ciidanka Milatariga ee dhawaan soo buux dhaafiyay magaalada Muqdisho in ay dib uga baxaan.

Waxa uu taliyaha ugu baaqay Ciidanka Milatariga in ay dib ugu laabtaan xeryahii ay kasoo baxeen, waxa uu sidoo kale ka codsay Taliyaha Ciidanka Milatariga in Ciidanka joojiyaan rasaasta dabaal dega ah ay ridayaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay qalad tahay in rasaasta oo ah hanti qaranku leeyahay si micno daro ah loo rido, waxa uuna ugu baaqay Ciidanka Miatariga ee soo buux dhaafiyay Muqdisho in ay dib ugu laabtaan xeryihii ay horey ugu sugnaayeen,

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo buux dhaafiyay ciidamo badan oo katirsan Milatariga Soomaaliya oo taageerayay Musharaxiinta qaar, waxa ayna ciidakan xalay ilaa maanta ridayeen rasaas ay ugu dabaal degayeen guusha Madaxweyne Farmaajo.