{DAAWO MUUQALKA} Aqoonyahanada Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Muhiimada Maalinta Afka Hooyo

0
231

iyadoo maanta ay ku beegantahay 21 febaayo waa maalinta loo aqoonsaday maalinta afka hooyo magalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiaan kama dhicin munaasabad ama xaflad loogu dabaal dagayo maalinta iyo muhiimada uu afku leeyahay taas oo muujinyesa in aysan dadku baraaugsaneyn muhiimada afka hooyo.

maxamed macalin cismaan waa madaxa wax baashada gobolka hiiraan ayaa ka sheekeynaya heerka uu maanta marayo afka soomaaliga iyo sida uu bur buray.

profesor ibraahim oo ka mida  barashaasha soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay dadkii  wax bartay af soomaaliga ka hor waxa uu sheegay in ay dhibaato kala kulmi jireen wax  barashada balse waxa uu sheegay in ay muhiimtahay in afka hooyo wax lagu barto.

madaxa waxbarashada gobolka maxamed macalin ayaa aqoonyahanada iyo ku eedeyay in ay afka hooyo iyagu dhib ku hayaan maadaama ay isticmaalaan luqado kale oo ay iskala weynyihiin afka hooye taasne ay bahdil ku tahay afka hooye

dugsiga hoose dhxe ee buundo weyn waa iskoolka kaliya ee ay maamusho dowlada ee ku yaala baladweyne waana schoolka kaliya ee ku baxa manhajka soomaaliga  ah maamulaha schoolka cawil aadan jiis ayaa shaaxaya dhibaatada heysata afka hooye

bashiir xuseen dhoore waa gudoomiyaha bulshada rayidka gobolka hiiraan ayaa ugu baaqay dowlada soomaaliya in ay dar dargiliso soo nooleynta afka hooyo.