Hoyga hirashadda Hal-Aburka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Ee Ababiye ayaa Magaalada Jowhar ku qabtay Bandhig Sugaaneed Oo Ay Ka so qeyb Galeen Dhalinyarada Haweenka Odayaasha Iyo Bahda suugaanleyda Shabellaha Dhaxexe gaar ahaan jowhar,
Bandhig sugaaneedkaan oo uu so qaban qaabiyay Hoyga hirashadda Hal-Aburka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Ee Ababiye ayaa waxaa ku tartamayay abwaaniin Da yar oo kunool Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle waxana ay kala yihiin abwaaniinta da yarta ah ee ka qeyb galay ,
1-Cabdulaahi Moxamed Xuseen (Abjad),
2- Moxamed Guuled Moxamed iyo
3-Cabdicasis Moxamed Mahdi
Abwaaniinta da da yar ee ku tartamayay Bandhigsugaaneedka ababiye ayaa waxaa ay so bandhigeen suugaan aad u so jiidatay dadkii ka so qeyb galay bandhig suugaaneedka
Madaxa hoyda hirashada Hal abuurtay soomaaliyeed ee ababiye liibaan cabduqaadir maxamed ayaa shegay sababta ay Jowhar ugu qabteen bandhig sugaaneedkan aytahay mida kor logu qaadaayo sugaanta soomaaliyeed.
Qaarkamid ah dadkii ka so qeyb galay Bandhig sugaaneedka ee Ay ku qabteen Magaalada Jowhar Hoyga hirashadda Hal-Aburka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Ee Ababiye, ayaa waxaa ay sheegeen in ay tahay mid kaalin wanagsan ka qaadatay sare u qaadida Suugaanta soomaaliya ,
Gabagabadii dhamaan dadkii ka so qeybgalay Bandhig sugaaneedka ayaa siwada jir ah ugu mahadceliyay Madaxda Hoyga hirashadda Hal-Aburka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Ee Ababiye ,kaas oo ay sheegeen in uu dadaal ugu jiro sara uqaadida dhaqanka iyo sugaanta soomaaliya