Munaasabadan oo Aheeyd Mid Lagu Dhiiri Gilinayey Laguna Sagootinayey Agaasimaha Carwada Buugaagta Hiiraan Faarax Muxumad Xiirane Ayaa waxa ka qeyb Masuuliyeen Ka Socotay Jamacada Hiiraan Shirkada Korontada Dayax ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan
Gudoomiyaha Saxaafiyiinta Gobolka Gudoomiyah,a Bulshada Rayidka ,Magaalada Maamulka Sare Ee Idaacada Hiiraanweyn waxaana munaasabada soo qaban Qaabiyey Wariyaaasha Idaacada Hiiraanweyn Xarunta Magaalada Baladweyn.
Agaasimaha Guud Ee Radio Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaraan oo ugu Horeeyn Goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyey ujeeydka munaasabada waxa uu Tilmaamay in markii uu Arkay Howsha Gobolka Iyo Hormarka Uu Ka Wado Qoraa Faarax In Maamulka Sare Ee Idaacada U Go’aan Saday in la Qabto munaasabad Lagu Dhiiri Gilinyo Qoraaga waxowna Tilmaamay Agaasimaha In idaacada Hiiraanweyn Ay Garab Is Taagi Doonto Cid Walba Oo Jecel Bulshada.
Qaar Kamid Ah Dadkii Ka Qeeyb Galay Munaasabada Ayaa umahad Cileyey Idaacada Hiiraanweyn iyo agaasimaha carwada iyagoona Tilmaamay In Howl Wanaagsan uu Qabtay waxa ayna Balan Qaaden In Si Dhab ah Ay Ula Shaqeeyn Doonan Qoraa Faarax Xiirane.
Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Hadlay Agaasimaha Cawada Buugaagta Hiiraan Faarax Muxumad Xiirane Ayaa Marka Hore Umahad Cileyey Maamulka Idaacada Waxa uu Tilmaamay in waqti Badan La Galiyey Qorayaasha Gobolka Muhiimadiisana Ay Tahay in Gobolka Hiiraan ay kasoo Baxaan Qorayaal Da’yar ah oo la tartanta Gobolada Kale Ee Dalka Soomaaliya Waxa Uuna Umahad Ciliyey Cid waliba oo Ka Qeeyb Qaadatay Munaasabada Caawa Ka Dhacday Xarunta idaacada Hiiraanweyn.
Ugu Danbeeyntii Waxa Soo Xiray Munaasabada Gudoomiyaha Bulshada Rayidka Gobolka Hiiraan Mudane Bashiir Xuseen Dhoorre Waxa uu shacabka Ku Dhaqan Gobolka Hiiraan Ugu Baaqay In Ay Ka Qeeyb Qaatan Sidii Loo Dhiiri Gilin Lahaa Bahda Qalinleeyda ah Waxaana Uu Tilmaamay in Uu Ka Caawin Doono Wax Baliba Oo Ku Saabsan Taariikhda Gobolka Hiiraan.
Idaacada Hiiraanweyn Ayaa Inta Badan Kaalin Ka Qaadato Dhiiri Gilinta Dadka Wax galka U ah Bulshada Waxaana Musaasbadan ay Qeeyb ka Noqoneeysaa Tiro Munaasabado Ah Oo Ka Dhacay Xarunta Idaacada Hiiraanweyn.