{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

0
222

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta Safar shaqo ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Soo dhawayn kadib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada dalka gaar ahaan Isbadalka ku yimid Hogaanka Dowlada Federaalka ah oo uu sheegay in ay Shacabku ka sugayaan wax qabad dhab ah si looga boxo dhibaatooyinka ay dadku la daala dhacayaan.

321