{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilo kasocda Beesha Caalamka

0
254

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato xubno kasocda Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sigan Muqdisho.

Farmaajo ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay halka uu degan yahay Wakiilo ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyey dhambaalo hambalyo ah oo ay uga sidaan dalalkooda waxaana ay ballan qaadeen in ay daa’imsan yihiin taageerada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kala hadley safiirada uu kulanka la qaatey xaaladda abaarta ee ka taagan Soomaaliya, taas oo beesha caalamku wel-wel xooggan ka soosaareen in ay dalka ka dhacdo macaluul lamid ah tii sanadkii 2011.